Hargeysa iyo Burco bulshada ku nool dibjirka caddaanka ah ee Youtuberka ah ee u yimaada waxay u yaqaaniin dublumaasi aqoonsi u keeni kara.
Waa bulsho iyagu diyaar u ah in duruufahooda ay cid walba uga faa’iideysato oo isu duleeya, ilaa ay Neten hoos galeen.
Intaan adduunku kamarada iyo Youtuberka noqon wixii Hargeysa ka dhici jiray sagaashameeyadii tacjum ayaa gacanta iyo dhabanka laysu saari lahaa.
Sagaashameeyadii ayaa nin caddaan ahi yimi Hargeysa markaasuu tugaan yar doonay in uu wax ka iimisado, markuu soo galay ayaa mid yidhi “ Aar niyow maqalka si wanaagsan kuyiigiisa u gala ninkan caddaanka ah ayaa inala joogoo markuu ina arko inagoo si wanaagsan u taagan aqoonsiguu inagala shaqaynayaaye”.
Intii oo muuqaal ah ayuu ninkani ka sheegay bulshada Hargeysa. Waa dad dibjirkaa caddaanka ee mootada saaran u arkay safiirka ee markiiba u geeyey mid ka mid ah kuway madaxdooda u yaqaanaan.
Waqooyibari 2005. sawiradan waa Dooxada Abeesalay, Laascaanood, Duleedka Laascaanood, Dalyare iyo Boocame. Kamarada Sony.
#VIDEO
Bulshadan yaad ka garan?
Inta geeriyootey ilaahy hawnaxariisto, inta nool waxaan u rajeynayaa caafimaad iyo camal suuban.
1
6
661
Maxay u yihiin cadowgeenna ugu khatarta badan dadka aaminsan afkaarta waxa loogu yeedho “Somaliland”?
===============
Sida ku qoran wargeyskan Jamhuuriya oo aan kaydiyey anigoo Burco jooga 2003, yoolka maamulka Hargeysa markasta wuxuu ahaa in weerar lagu qaado deegaanka Dhulbahante iyo Warsangeli.
Golaha Guurtida ee maamulka Hargeysa wuxuu isku raacay 6 qodob oo dagaal-oogid ah, isla markaana lagu bannaysanayo in weerar loogu qaado deegaanka beelaha Harti.
Inta badan dhallinta Isaaqa looma sheego dhacdooyinka xaqiiqada ah, gaar ahaan intii aan joogin marxaladihii colaadaha daba-dheeraaday ee Hargeysa laga soo abaabulayey. Kayd ay dib ugu noqdaanna ma laha.
Wargeyskan Jamhuuriya oo soo baxay 29.07.2003 wuxuu inoo xambaarsan yahay lix qodob oo aan shaki ku jirin in ay colaad-oognimo ahaayeen, markii dambena la fuliyey shan bilood ka dib, oo ay malayshiyaadka Hargeysa soo galeen Carro Harti 1/2004. Colaaddii maalintaas bilaabatayna waxaa lagaga soo saaray deegaanka markii ay 25.08.2023 ku jabeen dagaalkii Goojacadde malayshiyadii Hargeysa. 20 sano ayay duullaan iyo doolaalo ka wadeen deegaanka Waqooyi Bari, waxaana ku nafwaayey dad gaadhaya dhawr kun oo qof, waxaana ku dhaawacmay dad aad uga badan dadka dhintay. Hanti aad u tiro badanna way ku luntay.
Lixda qodob ee ay soo saareen Golaha Guurtidu maamulka Hargeysa ee ay dagaalka ku oogayeen waxay kala ahaayeen lixdan.
1- Waa in la abuuro oo la dhiso guddi qaran oo ay ka mid yihiin shirguddoonka labada Gole iyo cidda ay xukuumaddu kala maarmi weydo. Guddigan oo ka talo-bixinaya sifaha lagu hawlgelayo loona wajahayo gobollada Bari, haddii ay tahay mid wada-hadal iyo waxqabad dhaqaale iyo maamulba.
2- In lagu tallaabsado sidii maamul tayo leh looga hirgelin lahaa gobollada Sool iyo Sanaag Bari, lana sugayo xuduudaha aynu la wadaagno Soomaaliya.
3- In xukuumaddu joogiso lacagta kabka ah ee ay siiso dawladaha hoose ee Sool iyo Sanaag Bari ee aan ummadda wax loogu qaban, iyada oo lacagta kabka ah wax lagaga qabto caafimaadka iyo biyaha.
4- In arrinta loo galo laba weji oo kala ah Gobolka Sool iyo Sanaag Bari oo saddex degmo ah iyo degmooyinka Buuhoodle.
5- In Golahani hormuud ka noqdo wada-hadallada oo lagala tashado madaxda iyo mudaneyaasha, lana soo afjaro khilaafaadka iyo is-haysiga mudaneyaasha Golaha ee halkan ka jira.
6- In Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ay la socoto dhaqdhaqaaqyada ka jira Somaliland, gaar ahaan gobollada Bari.
Qodobka labaad ee ah in xuduudaha la soo xidho ayaa ahaa qodobka dagaalka lagu xalaashaday ee dhaliyey colaadda ilaa maanta taagan.
U.S. Federal Jury Convicts Wife of “Somaliland” Foreign Minister Abdirahman Aadam Tahir in Fraud Case
==========
A federal jury in the United States on Wednesday convicted Muna Wais Fidhin, the wife of “Somaliland” foreign minister Abdirahman Aadam Tahir, on all nine counts brought against her, involving wire fraud, bribery and money laundering linked to the Feeding Our Future programme, which provided meals to children during the COVID-19 pandemic.
Prosecutors presented evidence showing that Fidhin had falsely claimed to have served more than 300,000 meals to children through two small sites in Burnsville, Minnesota.
Federal prosecutors said she submitted invoices totalling nearly $969,000 to the government and received approximately $656,000 in payments. They also said she paid bribes to participate in the food distribution programme.
Prosecutors said Fidhin used the proceeds of the fraud to help pay off a home mortgage and purchase a luxury vehicle. She is now awaiting sentencing.
The money is also being linked to campaign financing for “Somaliland’s” self-declared administration President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Cirro. In a video recording, Fidhin and her husband, “Somaliland” Foreign Minister Abdirahman Aadam Tahir, said they had donated $90,000 to the Waddani party, which Cirro leads. At the time, both were members of the party.
#Video
Durriyaddu ma kala jecla Daaroodka, waxaase ugu daran qofka siyaasad is yidhaahda kula taxaaluf.
Berigii ay abuureen SNM ayaa Liibiya doontay in ay mideyso SNM iyo SSDF, dhammaan kulamadii labada dhinac loo qabtay waxaa diiday dhinacii SNM. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu yidhi” waxaanu nidhi ma intaanu Generaal Daarooda diidnay ayaanu Colnayl Daarood ah ku daba feylaa”.
Cabdilaahi Yuusuf oo buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo arrintan SSDF iyo SNM kaga sheekaynayana wuxuu yidhi:” Siilaanyo wuxuu igu yidhi 1960 arrimo qaldamay ayaanu saxaynaa”.
Nin Abeeso koriyow adigaa u aayi.
Before iyo After, halyeeyo lagu dhiiri geliyo dulmiga ilaa maxaabiis loo dooddo sidii loo soo deyn lahaa.
Kuway shalay ku dhiiri gelinaysay dagaalka Laascaanood ayey maanta intii ka hadhay ee xabsiga ku jirta Hargeysa uga dooddaysaa sidii loo soo deyn lahaa.
Durriyaddu waa Maxamuud Xaashi oo miidhan, waxooda ma qarsadaan, haddii sida ay u ficil tamayeen 36 sano iyo ka hor, loola ficil tamo 24 saacadood oo kaliya way miyirsan lahaayeen.
Maxamuud Xaashi waa ninka hadda isku wada in uu Ayuutada/Hagbadda Habarxabuusheed ee Gamhuuriyadda qaato, wuxuu ku hawl galayaa Buqdharkayn ayaan Durriyadda iyo Gamhuuriyaddooda ka difaacnaa.
Bal ilaahay amarkiina Yaasiin Faratoon waa ururka “Kaaha” wuu toloobay, meel laga jiro ma oga, marma Cirrooy oo AI laga dhigay oo jaasayuu daawadda marna Maxamuud Xaashi ayuu waxan ka dhagaystaa.
During the 2023 fighting in Las Anod between militias affiliated with self-declared “Somaliland” and residents of northeastern Somalia, members of the Isaaq clan, across different age groups, stood alongside “Somaliland”-affiliated militias during attacks on the city. They also openly filmed themselves, both in audio and video, and posted the footage on social media, accompanied by insulting remarks.
The video shows individuals who left Hargeisa to film themselves in the Goojacadde area of Las Anod.
Which of these individuals can you identify?
The footage constitutes video evidence documenting the individuals’ own participation. Some may have been killed, imprisoned or wounded and transferred to Burao or Hargeisa. Others may remain unharmed and continue issuing threats from Hargeisa and Burao. Some are reportedly political figures in Hargeisa.
Durriyaddu Hargeysa waxaan qabyaalad ahayn kuma hayso ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar. 14 sano ayuu la joogay qabyaalad, macaluul iyo gaajo ayuu ku arkay.
Ninkan intuu Hargeysa ku soo noqdo ayey soo dhaweynayaan.
3
7
319
Barnaamijka Gamhuuriyadda magaca loogu bixinayo meel xaasaasiya ayuu marayaa, waar bal halaga caawiyo magacay la bixi lahaayeen
Muuqaalka dhammayso.
Hargeisa administration criticises Trump, draws comparison with former “Somaliland” president
The Hargeisa administration has criticised U.S. President Donald Trump, pointing to similarities between his behaviour and that of former “Somaliland” president Muse Bihi Abdi.
In many respects, the former “Somaliland” president appears to adopt rhetoric and behaviour similar to those associated with Trump, who is known for his arrogant manner, making whatever statements he chooses and posting his views arrogantly on X, formerly known as Twitter.
The two men also share other traits, according to their critics. Both have been accused of being vindictive, harbouring resentment and refusing to forgive their adversaries, reinforcing comparisons between their approaches to political disputes.
Xaaladda Durriyadda sanadka 2026 ee Qaraniga 21aad waxaa inoo soo koobaya Faysal Cali Waraabe iyo Dubbe.
Faysal wuxuu taagan yahay sida Rasuulka NNKH ayaa nalooga baqi jiray haddase waanu jabnay oo hadalku waa naga xidhan yahay. Wuxuu si wanaagsan ugu dhawaaqay Waqooyibari oo uu sheegay in lagu dulsameeyey.
Dubbena wuxuu xaal ka marayaa in uu yidhaahdo Hargeysa ayaa Muqdisho ka weyn.
Faysalow haddaad jabteen oo kaftankii idinka xidhay maan dhuumataan oo waraysiyada iyo meelaha dadku isugu yimaadeen ka dhuumataan?
Muuqaalka Faysal iyo Dubbe dhamayso.
Garxajis iyagaa soo gebagebaynaya mashruuca loogu magacdaray “Somaliland” Qaybta 1aad
==========
Markii lagu dhawaaqay mashruucan loogu magacdaray “Somaliland” 17.05.1991, waxaa hoggaaminayey Garxajis (Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur). Cabdiraxmaan Tuur muu aaminsanayn mashruucan, waxaana la qabtay rag badan oo Garxajis ah, oo uu ka mid yahay Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa), Xasan Aadan Wadaad-diid, Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) iyo Cismaan Kaluun, oo isagu markii lagu dhawaaqayey mashruucan joogay Muqdisho.
Horraantii bishii May 1991, mar uu Cismaan Kaluun BBC-da ugu warramayey isagoo jooga Muqdisho, wuxuu yidhi: “SNM way ka qaybgalaysaa shirarka Soomaaliya, xukuumad ay SNM iyo USC-du wada dhisaanna waanu rabnaa.”
Sida uu sheegayo Maxamuud Xasan Hidiidaa (Qawaacid), oo ahaa siyaasi Warsangeli ah oo shirkii Burco joogay 1991, markii uu Cismaan Kaluun hadalkaas BBC-da ka yidhi, ayaa buuq badani Burco ka furmay, xubnihii xagjirka ahaa ee Habar Awal iyo Habar Jeclo, oo ay ka mid ahaayeen Muuse Biixi Cabdi iyo Tuug Tarabi, ayaa bilaabay inay dadkii kiciyaan.
Wuxuu Maxamuud Qawaacid sheegay inay Cabdiraxmaan Tuur ugu tageen gurigii uu Burco ka degganaa, kaas oo uu lahaa nin Majeerteen ah oo Wabeeneeye ahaa, lana odhan jiray Siciid Amxaar. Wuxuu sheegay in Cabdiraxmaan Tuur u sheegay inaanu qabin aragtida ah in gooni-isu-taag lagu dhawaaqo.
Bulsho la soo kiciyey ayaa hoolkii shirku ka socday isa soo dhoobtay, markaas ayaa la dedejiyey aragtidii goosashada dhinaca keliya ahayd ee 17.05.1991 lagu dhawaaqay.
Safarkii ugu horreeyey ee Cabdiraxmaan Tuur dibadda ugu baxay, bishii 7aad ee 1991, waxaa ku weheliyey rag badan oo Garxajis ahaa. Dawlado badan oo Yurub ah oo ay la kulmeen, sida Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxay kala soo kulmeen hungo iyo waji-gabax. Cabdiraxmaan Tuur waxaa u sii caddaatay in mashruucan ay madaxa u geliyeen dadka cadhaysan ee aan caqligoodu shaqaynayn aanu soconayn.
Bishii May ee sannadkii 1993 ayuu xilkii ku wareejiyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo aan isaguba aaminsanayn aragtida goosashada dhinaca keliya ah ee beelaha Isaaq xiisaynayaan.
Cabdiraxmaan Tuur, Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa), Xasan Aadan Wadaad-diid, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Cismaan Kaluun, oo intooduba yihiin Garxajis oo aan aragtida goosashada qabin, ayaa isku shubay Muqdisho 1994-kii. Burco iyo Hargeysa-na waxaa ka qarxay dagaal u dhexeeya Garxajis oo dhinac ah iyo Isaaqa intiisii kale.
1997-kii ayaa wefti ballaadhan oo uu Cabdiraxmaan Tuur hoggaaminayo, oo uu ka mid yahay Xasan Aadan Wadaad-diid iyo rag kale, waxay ka soo degeen magaalada Oodweyne. Waxay wadeen mashruuc cinwaankiisu ahaa federaal lagu midaysan yahay. Markaas Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid, ee xukuumaddii Salbalaadh la baxday.
Burco si diirran ayaa loogu soo dhaweeyey. Hargeysa ayay u gudbeen, Cigaal ayay wada fadhiisteen, xogo badanna way isweydaarsadeen. Cigaal ma diidin qorshaha ay u socdaan, wuxuuse ku kiciyey shacabka maskax ahaan u maqan, isagoo lafihiisa u baqay. Markii safarkiisu dhammaaday oo ay duuleen, ayuu Cigaal warbaahinta u sheegay in la masaafuriyey Cabdiraxmaan Tuur iyo weftigii la socday.
Waraysi uu Cabdiraxmaan Tuur siiyey Jamhuuriya ayuu aad ugaga warramay kulankaas iyo qaabkii Cigaal ugu dhigay soo bixitaankoodii.
Garxajis iyagaa soo gebagebaynaya mashruuca loogu magacdaray “Somaliland” Qaybta 2aad
=========
Xilliyadii hore, Garxajis awoodda maamulka Hargeysa aad ayaa looga ilaaliyey. Muddo ka badan 30 sano ayay dibadda ka joogeen, awoodda ugu badanna ku lahaayeen shirarka Soomaaliya loo qabanayey. Shirkii Carta waxaa aad uga muuqday odayaasha dhaqanka ee Garxajis. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir wuxuu ahaa ragga Carta wax ka soo dhisay 2000. Markii uu Hargeysa ku soo noqdayna Cigaal ayaa xidhay.
Dawladdii Carta-na ragga ugu cadcaddaa waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa).
Xilligan la joogo, maamulka Hargeysa waxaa gacanta ku haya Garxajiskii dawladdii Kacaanka ka mid ahaa, oo aan iyagu ka qaybgelin halgankii SNM ee siddeetamaadkii.
Cabdiraxmaan Cirro muu ahayn SNM, wuuna ka soo horjeeday halgankii ay ku jireen SNM. Taas waxaa daliil u ah inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya xilliyaddii ay SNM dagaalamaysay iyo markii ay ku soo noqdeen Burco, Hargeysa, iyo Berbera 30.10.1991, isla markaana, markii ay dhacday xukuumaddii Kacaanku, ahaa sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Midowgii Soofiyeeti ee Moosko ku dhawaad ilaa 1992kii.
Markii ay xukuumaddii dhacday, muddo ayuu ku sii shaqaynayey xilkiisii safaaradda Moosko. Sannadkii 1992 ayuu u wareegay Finland, halkaas oo uu qaxooti ahaan isaga dhiibay.
Ragga hadda aadka ugu dhow waxaa ka mid ah ina-adeerkii Jaamac Gaabuush, oo dawladda Federaalka Soomaaliya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka shaqayn jiray, la-taliye sarena ka ahaa.
Taageerayaashiisu waa dhallintii joogtay Muqdisho, haddana Hargeysa iyo Muqdisho caadiyeeyey isu-socodkooda xilligii hore dambiga ahaa. Hargeysa xilligan waxaa ku sugan dadkii ugu necbaa maamulka Hargeysa intii Muuse Biixi Cabdi hayey xukunka.
Xubnaha Garxajis ee Muqdisho xilalka ka haya, ee uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad Saalax, waxay ku guulaysteen inay Cirro wax ku darsadaan intaanu soo bixin, oo dhaqaalihii uu ku soo baxay Federaalka qayb ka ahaado.
Tallaabooyinkii Cirro uu qaaday ee dhaawacu ka soo gaadhay, ee arrinta ISRL, waxaa loo adeegsaday diblumaasiyad maamulkaa lagu wiiqayo. Saalax, labada shir ee uu Cirro ka qaybgalayba, wuxuu isaguna goob-joog ka ahaa: Davos iyo New York. Waxay u muuqataa in mashruucii “Somaliland” ee Habar Awal iyo Habar Jeclo tuurta ku siteen 36 sano qaab farsamaysan lagu soo afjarayo.
Fursado badan ayay Garxajis xilligan haystaan oo ay ku soo afjarayaan mashruucan, iyagoo xukuumadda Federaalka-na kaalin fiican kaga jira, Hargeysa-na fadhiya.
Xilligana waa xilligii Soomaalidu ugu mideysan tahay tan iyo markii xukuumaddii Kacaanku burburtay 1991. Dawladda Waqooyibari oo maamul xoogan ah iyo bulshada Maamulka Waqooyi Galbeed oo maanta u oslan, ugana bisayl badan Federaal Soomaaliyeed, sababtoo ah maanta bulshada Waqooyigalbeed caadi ayay u arkaan isdhexgalka dadkooda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Waana ta keentay in Hargeysa dhexdeeda laga ammaano madaxda iyo wasiirrada Garxajis ee ku jira dawladda Federaalka, bulshada Habar Jeclo iyo Habar Awalna Muqdisho ugu sii badanayaan.




