Somast (@somastllc) header
Somast (@somastllc) profile picture

Building the foundations of Somali AI

Mogadishu, Somalia
Joined April 2022
Soplang 3.0 waa diyaar! Waxaan si rasmi ah u soo saarnay Soplang 3.0, oo la yimid isbeddel weyn. Halkii noocii hore uu ku shaqeynayay interpreter, noocan cusub waa compiler lagu dhisay Rust, waxaana lagu soo kordhiyey Cranelift JIT iyo LLVM si code-ka loogu beddelo native machine code. Waxa xiisaha leh ayaa ah inaan isku darnay laba compiler backend oo awood badan, Cranelift iyo LLVM, kuwaas oo isticmaala teknoolojiyado iyo luuqado waaweyn sida Rust, C, C++, iyo WebAssembly runtime-ka Wasmtime. Annagoo mid walba uga faa'iideysanayna waxa uu ku fiican yahay: Cranelift JIT: Waxaan u adeegsannaa marxaladda development-ka, si programmer-ku uu code-kiisa si fudud oo degdeg ah u tijaabiyo una run-gareeyo. LLVM: Waxaan u adeegsannaa marxaladda build-ka, si code-ka loogu beddelo barnaamij native ah oo la optimize-gareeyey, lehna performance sare. Sidaas ayaan uga faa'iideysannay xawaaraha compilation-ka ee Cranelift JIT iyo awoodda optimization-ka ee LLVM, annagoo labada teknoolojiyadood ku mideynay Soplang 3.0. Maxaa ku cusub Soplang 3.0? - Compiler cusub: Dib loogu dhisay Rust. - Xawaare la hagaajiyey: Horumar muuqda marka loo eego Soplang 2. - Native Compilation: Dhis barnaamijyo shaqaynaya iyaga oo aan u baahnayn in Soplang lagu rakibo. - Somali Error Messages: Farriimo cilad oo Af-Soomaali ah, kuwaas oo kuu tilmaamaya halka uu khaladku ka jiro. - Standard Library la hagaajiyey: Functions iyo collection APIs la hagaajiyey. Ujeeddada Soplang weli waa sidii hore: in programming-ka lagu barto, laguna qoro Af-Soomaali. “Dhis software adigoo adeegsanaya afkaaga hooyo.” Soplang waa open-source, qof walbana wuu ka qaybqaadan karaa horumarintiisa. Akhri faahfaahinta Soplang 3.0: somast.so/en/blog/soplang-3.…
1
2
135
Coding is dead.
2
38
Xageen AI-ga Kaga Biiraa ?
5
60
Waxan Dhisney AI Ogaan Karo Email-lada Khiyaanada ah Haddii aadan weli ku soo biirin NLP for Machine Learning Bootcamp, hadda ku so biir! Ku soo biir Telegram channel-ka si aad uga mid noqoto ka-qaybgalayaasha: 🔗 t.me/nlp_for_ml Bootcamp-kan waxaa sponsor-gareysay madasha @dugsiiyeinc
4
65
Tools Mise Xirfad ?
1
1
5
65
Xirfadda ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay inaad barato xilligan! Link-ga Course-ka youtu.be/9KER-0MfDMk?si=I-M8…
4
80
Shantaan Xirfadood Baro 2027
1
66
Ugu dambayn, NLP for Machine Learning Bootcamp waa diyaar! Bootcamp-kani waa barnaamij bilaash ah oo socon doona muddo bil ah, waxaadna ku baran doontaa Natural Language Processing (NLP), oo ah farsamada kombiyuutarrada u suurtagelisa inay fahmaan oo farsameeyaan luqadda aadanaha. Waxaad sidoo kale baran doontaa sida NLP loogu adeegsado mashaariicda Machine Learning. Si aad uga mid noqoto ka-qaybgalayaasha, guji link-ga hoose oo kusoo biir Telegram channel-ka: t.me/nlp_for_ml Bootcamp-kan waxaa sponsor gareysay madasha @dugsiiyeinc #DataScience #MachineLearning #ArtificialIntelligence #Python #DeepLearning #BigData #Analytics
1
3
12
206
Waa Maxay Prompt Engineering ?
2
6
181
Waa Maxay Token ?
2
10
171
Koorsadaan waxaad ku dhisaysaa 9 machine learning projects oo kala duwan, kuwaas oo ku baraya sida loo diyaariyo xogta, loo tababaro loona qiimeeyo models, loona sameeyo saadaalin. Waxay daboolaysaa Regression, Classification, iyo Clustering, iyadoo mashruuc kasta aad tallaabo tallaabo u dhisayso. Waa kan link-ga koorsada: youtu.be/Has3_C-tVP0
3
9
175
Sanad ka hor, waxaan bilownay Bootcamp-kii ugu horreeyay ee Goobo Labs. Muddo hal sano ah, waxaan qabanay 5 Bootcamps oo bilaash ah, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen boqolaal dhalinyaro ah oo xiiseynaya Data Science, Machine Learning, Python, Git & GitHub iyo AI. Safarkan wuxuu ka bilowday Data Science & Machine Learning, waxaana tan iyo markaas sii wadnay inaan abuurno fursado ay ardaydu ku bartaan xirfadaha muhiimka u ah mustaqbalka technology-da iyo AI-da. Sidoo kale, waxaan YouTube-ka soo gelinay in kabadan 13+ saacadood oo Data Science & Machine Learning ah, si qof walba uu ugu diyaar garoobo bootcamp-yada heerarka sare. Dhammaan bootcamp-yadan waxaa suurageliyay Dugsiiye, oo naga taageertay inaan tababaradan si bilaash ah ugu fidinno ardayda. ❤️ Safarku halkan kuma eka. Dhawaan waxaan ku dhawaaqi doonnaa NLP for Machine Learning Bootcamp, mid ka mid ah bootcamp-yada ugu muhiimsan ee aan qaban doonno. Haddii aad ka maqneyd bootcamp-yadii hore, fursaddu wali way furan tahay. Nagu soo biir bootcamp-yada soo socda, kana mid noqo bulshada dhiseysa mustaqbalka AI iyo Data Science. goobolabs.so/en/bootcamps
1
4
186
Xalay waxaa si rasmi ah noogu soo gabagaboobay Bootcamp-kii Data Science & Machine Learning oo socday muddo hal bil ah. Intii uu socday tababarkan, ardaydu waxay soo mareen safar ay ku barteen aasaaska Data Science, sida xogta loo nadiifiyo loona diyaariyo, sida loo dhiso loona qiimeeyo models kala duwan, iyo sida mashruuc Machine Learning ah loo hirgeliyo. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa ardaydii gaartay marxaladdii ugu dambeysay ee bootcamp-ka. Waxay muujiyeen dadaal, joogteyn, iyo rabitaan ay ku horumarinayaan xirfadahooda. Tani waa bilowga safar dheer oo aqoon iyo hal-abuur leh. Waxaan idiin rajeyneynaa guulo waaweyn mustaqbalka. Hambalyo dhammaantiin. 🎉
1
4
237
"Hey Anthropic I'm a developer from Somalia. Our community — developers, students, young people who want to build with AI — we can't access Claude. Not because we don't want to. Not because we're not ready. Just because of where we're from. We're learning. We're building. We're motivated. We just don't have access to the tools. Please Anthropic — enable Claude for Somalia." @AnthropicAI @claudeai @DarioAmodei @bcherny @trq212 #ClaudeForSomalia #Anthropic #Claude
182
377
48
1,315
69,615
Ciid Mubarak dhammaan umadda islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin rajeynaynaa ciid farxad, midnimo, iyo barako xambaarsan. Farxad ku ciida meel kasta oo aad joogtaan. #Goobolabs #CiidWanaagsan #EidMubarak
2
7
347
Waxaan sameynay AI ka jawaabaya su'aalaha diinta | Fatwa AI Agent Repo: github.com/goobolabs/fatwa-a…
2
7
331
Soplang Compiler waa diyaar! Shaqo, tijaabo, iyo sixid muddo dheer socotay kadib, Soplang waxay gaartay heer cusub. Waxaan waqti badan ku bixiyay naqshadaynta iyo dhismaha compiler-ka Soplang. Hadafkeennu wuxuu ahaa mid cad. Waxaan rabnaa inaan dhisno luqad awood leh oo leh compiler hufan. Sidoo kale, waxaan rabnaa inaysan isticmaalin memory badan marka ay shaqaynayso. Bilowgii mashruuca, waxaan is weydiinay hal su’aal. Sidee loo heli karaa xawaare turjumid oo sare iyo xawaare fulin oo sare isku mar (compilation and running)? Si aan taas u gaarno, waxaan go’aansannay inaan ka faa’iideysanno awoodda Cranelift iyo LLVM. Cranelift waxay na siisaa compilation degdeg ah oo ku habboon JIT. LLVM waxay caan ku tahay waxqabad sare marka barnaamijku socdo. Sidaas ayaan ku doorannay qaab isku daraya faa’iidada labada dhinac. Tani waxay noo ogolaatay inaan helno dheelitirnaan u dhexeysa dhisid degdeg ah iyo fulin hufan. Intii horumarintu socotay, waxaan la kulannay caqabado badan. Halmar ayaan la kulanay 127 cilad. Qaar waxay la xiriireen noocyada xogta. Qaarna waxay ku jireen isku xirnaanta backend-ka iyo runtime-ka. Si tartiib ah ayaan u xallinnay mid mid. Dadaal iyo dulqaad kadib, waxaa noo suurtagashay inaan dhisno compiler shaqeynaya, xasiloon, oo la isku halayn karo. Qaab-dhismeedka Compiler-ka Soplang Compiler wuxuu leeyahay qaab-dhismeed cad. Wuxuu kala saaraa marxalad kasta oo uu maro koodhku. Tani waxay fududeynaysaa fahamka gudaha iyo in mustaqbalka lagu daro astaamo cusub. Marka hore, koodhka .sop waxaa la mariyaa Lexer. Wuxuu qoraalka u kala jebiyaa tokens. Kadib waxaa xiga Parser. Wuxuu ka dhigaa tokens-ka qaab geed ah oo loo yaqaan AST. Marka la helo AST, waxaa bilaabmaya Semantic Analysis. Halkan waxaa lagu hubiyaa magacyada, noocyada xogta, iyo saxnaanta guud ee barnaamijka. Waxaa la dhisaa symbol table si loo maareeyo scope-yada iyo slot-yada doorsoomayaasha. Intaas kadib, AST-ga waxaa loo rogaa HIR. Kani waa qaab dhexe oo backend-yadu si sahlan ula shaqeyn karaan. HIR wuxuu adeegsadaa slots iyo labels si loo maareeyo xisaabinta iyo socodka barnaamijka. Marka la gaaro backend-ka, Soplang wuxuu leeyahay laba qaab fulin: * JIT oo adeegsada Cranelift si HIR loogu beddelo koodh native ah oo isla markiiba la fuliyo. * AOT oo ku dhisan LLVM. Halkan waxaa lagu dhisaa binary gaar ah oo si madaxbannaan u shaqeyn kara. Labada backend waxay wadaagaan runtime isku mid ah. Runtime-ku wuxuu maareeyaa qiimaha xogta, xusuusta, builtins, iyo isku xirnaanta C ABI. Sababta Farsamo ee Go’aamada Waaweyn Markaan dhisaynay Soplang, ma dooran go’aanno fudud oo keliya. Waxaan doorannay go’aanno leh sabab farsamo oo cad. Mid ka mid ah go’aamada muhiimka ah waa isticmaalka slot-based HIR. Ma isticmaalin SSA si toos ah gudaha IR-ka. Sababta ayaa ah in HIR uu noqdo mid fudud oo la fahmi karo. Backend-ka sida Cranelift ayaa isagu u sameeya SSA gudaha. Tani waxay yaraysay kakanaanta marxaladda dhexe. Go’aan kale oo muhiim ah waa in la sameeyo C ABI boundary. Kani wuxuu u dhexeeyaa koodhka la soo saaro iyo runtime-ka. Koodhka JIT ama AOT ma taabto qaab-dhismeedka gudaha ee Rust sida Rc ama HashMap. Wuxuu la macaamilaa oo keliya SoplangValue iyo extern "C" functions. Tani waxay ka dhigeysaa nidaamka mid nadiif ah, la kala soocay, oo ammaan badan. Sidoo kale, waxaan doorannay thread-local heaps. Ma isticmaalin global shared memory. Tani waxay fududeysay maaraynta xusuusta. Sidoo kale, waxay ka hortagtay isku dhac marka mustaqbalka la taageero threads badan. Go’aamadan farsamo waxay ka dhigayaan Soplang mid la ballaarin karo oo leh aasaas adag. Benchmarks iyo Waxqabadka Si aan u xaqiijinno waxqabadka, waxaan diyaarinay benchmarks cabbiraya: * Wicitaannada hawlaha sida fib(25) oo abuuraya boqolaal kun oo calls ah * Loop-yada 100,000 wareeg * Nested loops 200×200 * Isku darista xarfo 1,000 jeer * Hawlaha liisaska iyo walxaha Natiijooyinku waxay muujinayaan in hawlaha, loop-yada, iyo builtins-ku ku socdaan xawaare compiled ah. Marxaladaha hore sida lex iyo parse waxay ku dhammaadaan microseconds. Taas waxay muujinaysaa in waqtiga intiisa badan lagu bixiyo compilation iyo execution. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka arki kartaa: github.com/soplang/soplang/b… Saamaynta Bulshada iyo Af-Soomaaliga Soplang ma aha oo kaliya mashruuc farsamo. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta tiknoolajiyada Af-Soomaaliga. Luqadaha barnaamijyada badankood waxay ku qoran yihiin Ingiriis. Tani waxay mararka qaar ku adkaysaa ardayda Soomaaliyeed inay si fudud u fahmaan fikradaha aasaasiga ah. Soplang waxay bixisaa fursad cusub oo ardaygu ku barto programming isagoo isticmaalaya afkiisa hooyo. Sidoo kale, Soplang waxay dhisi kartaa saldhig u noqda ecosystem Af-Soomaali ku dhisan. Waxaa ka mid ah documentation, casharro, iyo qalab waxbarasho. Tani waxay dhiirrigelin kartaa jiil cusub oo horumariyeyaal (developers) Soomaaliyeed ah. Mashruucu waa mid furan. Waxaa lagu soo dhoweynayaa cid kasta oo rabta inay ka qayb qaadato horumarintiisa. Mustaqbalka Soplang Shaqadu halkaan kuma eka. Qorshaha mustaqbalka waxaa ka mid ah: * Optimization dheeraad ah * Taageero noocyo xog oo ka ballaaran * IDE support * Qalab fududeynaya horumarinta * Iyo in Soplang noqoto luqad si dhab ah loogu isticmaalo mashaariic waaweyn Ugu dambeyn, Soplang Compiler waa mid dhisan oo tijaabo maray. Wuxuu leeyahay qaab-dhismeed cad iyo go’aanno farsamo oo la qorsheeyay. Sidoo kale, wuxuu leeyahay aragti bulsho oo fog. Waa bilow safar dheer, laakiin waa bilow adag oo leh aasaas sax ah. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka gudaha waxaad ka akhrisan kartaa halkan: github.com/soplang/soplang/b… Dhis Software Adigoo Adeegsanaya Afkaaga Hooyo!
2
6
298
Everywhere you look, there are vibe coders writing code, but what really matters is quality and security. That’s why YoAuditor is here. YoAuditor is an AI-powered code auditor that runs fully locally with Ollama. It reviews your code line by line and spots bugs, security risks, design flaws, and performance issues, so your code is solid. What it can do: - Audit any GitHub repo or local folder. - Two modes: fast single-call scans or agentic mode where AI explores and reports autonomously. - Detailed reports with line numbers in Markdown or JSON. - Configurable for CI pipelines so risky code can fail builds. Try it here: github.com/sharafdin/yoaudit… See testing results: github.com/sharafdin/yoaudit… If you care about clean, secure, high-quality code, YoAuditor is your new best friend. Code the vibe but keep it safe.
5
16
1,348
Wakiil Rasmi ah ee @dugsiiyeinc (Official Dugsiiye Ambassador) Adeegso code-ka SOPLANG ama guji lifaaqa hoose si aad u hesho 10% qiimo-dhimis (discount). 👉 dugsiiye.com/mentorship?ref=…
1
6
188