
Official @X account of the President of Jubaland State of Somalia.
Kismayo, Jubaland State
Joined September 2020
- Tweets371
- Following4
- Followers117K
- Likes0
Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, gaar ahaan ardayda reer Jubaland ee sanadkan ka gaaray natiijooyin wanaagsan.
Hambalyo 1-da Luuliyo
Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ha noqoto maalin xoojinaysa wadajirka, nabadda, iyo horumarka dalkeenna.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray Mashruuca Bulsho, oo ah hindise horumarineed oo lagu xoojinayo dowladaha hoose, korna loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada, isla markaana lagu dhisayo iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarka deegaanka.
Mashruuca Bulsho wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awoodsiinta bulshada iyo hay’adaha dowladaha hoose ee heer degmo, tuulo iyo xaafad. Ujeeddadiisa ugu weyn waa xoojinta wadajirka bulshada, kor u qaadista ka-qaybgal loo dhan yahay, iyo dhisidda adkaysiga bulshada, iyadoo la xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa shacabka iyo maamullada deegaanka.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa tilmaamay in mashruucu ku soo beegmay xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo xoojinta adkaysiga bulshada iyo horumarinta adeegyada heer deegaan. Waxa uu xusay in Mashruuca Bulsho uu yahay fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo degmooyinka, laguna kordhinayo ka-qaybgalka bulshada ee go’aan-qaadashada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Baanka Adduunka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubaland, kuwaas oo door muuqda ka qaatay maalgelinta, qorsheynta iyo hirgelinta mashruucan. Waxa uu Madaxweynahu bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, adeegyada bulshada iyo awoodda dowladaha hoose, isaga oo carrabka ku adkeeyey in taageerada bahwadaagta ay muhiim u tahay xaqiijinta horumar waara iyo kobcinta hay’adaha dowladda ee heer deegaan.
DHAMMAAD.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar usoo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E @PresidentMadobe ayaa maanta qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ka howlgala aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo askarta Ciidanka Daraawiishta Jubaland heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca iyo xoreynta deegaannada Jubaland, isaga oo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo sidii shacabka reer Jubaland ay ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasillooni.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-gallo lagu xoreynayo deegaannada Jubaland ee ay weli ku sugan yihiin Khawaariijtu, isaga oo ciidamada ku dhiirrigeliyey inay u diyaar garoobaan waajibaadkaas qaran ee horyaalla, si looga miro dhaliyo himilooyinka shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka xasillooni, amni iyo nabad waarta.
DHAMMAAD
Waxaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E @PresidentMadobe ayaa maanta ka qeybgalay bandhigga doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited oo ah shirkad farsamaysa qalabka badda.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweeted
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Dowladda Jubaland siinayso kobcinta diinta Islaamka iyo dhiirrigelinta tartamada noocan oo kale ah oo sare u qaadaya aqoonta, akhlaaqda iyo wacyiga bulshada.
Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guuleystayaasha kaalmaha hore ka galay tartanka 30ka Juz iyo 20ka Juz. Maxamed Cabdulwahaab Axmed oo kaalinta koowaad ka galay tartanka 30ka Juz ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay gaari Surf ah, halka Maxamed Nuur Maxamed oo galay kaalinta labaad lagu gudoonsiiyay gaari Succeed. Cabdulkariim Cali Aadam oo kaalinta saddexaad galay ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan $2500, kaalinta afraadna waxaa gashay Amran Axmed Yuusuf oo lagu abaalmariyay $1500, halka kaalinta shanaad ay gashay Ifraax Maxamed Abshir oo lagu abaalmariyay $1000.
Dhanka tartanka 20ka Juz, kaalinta koowaad waxaa galay Yaasiin Maxamuud Nuur oo lagu abaalmariyay gaari Premier, kaalinta labaadna waxaa galay Ibraahiim Cusmaan Cabdullaahi oo lagu abaalmariyay $2000. Sagal Yuusuf Maxamed oo kaalinta saddexaad gashay ayaa lagu abaalmariyay $1500, halka Cabdulmaalik Xasan Iimaan oo galay kaalinta afraad lagu gudoonsiiyay $1000, ugu dambeyntiina Cabduraxmaan Mukhtaar Maxamed oo galay kaalinta shanaad ayaa lagu abaalmariyay $700.
Qaar kamid ah guulaystayaasha oo aan goobjoog ahayn munaasabadan ayay waalidkoodu u gudoomeen abaalmarinta.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixisay qabsoomidda tartankan, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Mu’asasada Ummah iyo dhammaan culimada juhdiga ku bixisay hirgelinta iyo taabagelinta tartankan qiimaha leh.
DHAMMAAAD.
Waxaan uga tacsiyaynayaa ehelkii, qaraabadii, iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Aadan Maxamed Axmed, oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Jubaland isla markaana ahaa oday dhaqan oo muddo dheer u taagnaa nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo walaalaynta bulshada.
Marxuumku wuxuu door weyn ka soo qaatay dhismaha Dowladda Jubaland iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada. Wuxuu ahaa tiir muhiim u ahaa nabadda iyo dowlad-dhiska, waxaana taariikhda Jubaland ku xusan doorkiisii iyo dadaalkiisii hagar la’aanta ahaa.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay.
Aaaamiiin.
Walaaladay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi Waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland.
Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland.
PRESS RELEASE
The Jubaland State Government expresses its profound disappointment and condemnation regarding the irresponsible decision made today, which placed the advance delegation and the President of Jubaland's security detail in direct danger.
This occurred after the Federal Government of Somalia denied their aircraft entry into the airspace of Aden Adde International Airport in Mogadishu.
At the onset of the journey, the flight which departed from Sayid Mohamed Abdille Hassan International Airport in Kismaayo had been officially communicated to the Civil Aviation Authority, the conference organizing committee, and the Federal Government's security agencies. However, as the aircraft approached its landing in Mogadishu, a sudden order was issued for it to return to Kismaayo, without any verification of whether the plane had sufficient fuel for the return trip. This action reflects a significant lack of responsibility and a hostile decision that jeopardized the lives of the advance delegation.
Furthermore, two civilian aircraft carrying passengers were also turned away from Mogadishu's airspace today, further illustrating the risks and chaos resulting from these measures.
It is evident that the Federal Government, by dragging its feet on the Mogadishu Consultative Meeting, is committed to using every means possible to cancel the summit. This behavior demonstrates a lack of good faith and a failure of commitment to finding a solution to the country’s complex situation.
We wish to clarify that no joint committee agreement exists regarding the number of security personnel or other guests accompanying the President’s delegation to Mogadishu. Any reports claiming that such an agreement was reached are entirely false and baseless.
Jubaland State remains committed to pursuing a lasting solution to the current issues and ensuring the success of the scheduled Consultative Meeting. However, these recent actions create dangerous security conditions and raise serious questions about the Federal Government's reliability and sense of responsibility.
END
Waxaan si rasmi ah u soo gaba-gabaynay Shirka Aayaha-Tashiga Soomaaliyeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dhammaan qodobadii iyo warmurtiyeedkii shirka kasoo baxay waan fulinaynaa, waxaana naga go’an in ficil lagu beddelo wixii lagu heshiiyey.
























































