Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Yuusuf Cumar, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, kaas oo lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan miisaaniyadda, iyadoo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay 2.42%, halka wadarta guud ee Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027 ay dhan tahay $60,886,783.86.
Waxaa Miisaaniyadda sannadka 2027 si gaar ah diiradda loogu saaray qorsheynta maaliyadda dowladda iyo mudnaanta hawlaha la qorsheeyey in la fuliyo sannadka soo socda.
Miisaaniyaddan ayaa saldhig u noqonaysa maareynta dakhliga, qorsheynta iyo habaynta kharashaadka dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta u leh bulshada Jubbaland.
DHAMMAAAD
Jubaland State House retweeted
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, gaar ahaan ardayda reer Jubaland ee sanadkan ka gaaray natiijooyin wanaagsan.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Danjire Arnaud Suquet.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee Soomaaliya, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadantinimada, iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarka.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr iyo Masuuliyiin kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howllgallada lagu xoreynayo deegaannada Jubaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga tacsiyeeyay ehelkii, qaraabadii, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, Marxuum Xasan Cabdi Xaashi, oo ku geeriyooday shil gaari isagoo howlo shaqo u joogay Gobolka Wajeer ee Dalka Kenya.
Marxuumku wuxuu ahaa masuul hufan oo daacad u ahaa waajibaadkiisa, door muuqda na ka qaatay horumarinta maamulka, adkaynta amniga, u adeegidda bulshada Degmada Dhoobley, iyo horumarinta waxbarashada guud ahaan Jubaland.
Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryaya Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland.
The President of Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, received in Kismayo on July 29th, 2026,a delegation led by Congressman Ronny Jackson, which included 11 members of the United States Congress, the U.S. chargé d’Affaires to Somalia, Justin Davis and other officials.
The meeting focused on bilateral cooperation in the fight against terrorism, as well as U.S Government support in the security sector, institution-building and other matters critical to the development of Jubaland.
The senior U.S officials praised the sustained efforts that the Jubaland Government has invested over the years in combating terrorism. They also commended the recent successes achieved by the Jubaland Security Forces and the Jubaland Danab Commandos who in coordination with AFRICOM, have carried out joint operations aimed at degrading terrorism.
The Jubaland Government expressed its gratitude to the U.S Government for the ongoing support it has long extended to the Somali people.
The President was accompanied in the meeting by MP Ahmed Abdi Kooshin, Secretary of the Defense Committee of the 11th Somali Federal Parliament,MP Mursal Mohamed Khalif, Chairperson of the Somalia-U.S Parliamentary Friendship Committee and MP Abdirashid Jire Qalinle, Jubaland’s Representative to the Future of Somalia Council.
—END—
Jubaland State House retweeted
Hambalyo 1-da Luuliyo
Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ha noqoto maalin xoojinaysa wadajirka, nabadda, iyo horumarka dalkeenna.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray Mashruuca Bulsho, oo ah hindise horumarineed oo lagu xoojinayo dowladaha hoose, korna loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada, isla markaana lagu dhisayo iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarka deegaanka.
Mashruuca Bulsho wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awoodsiinta bulshada iyo hay’adaha dowladaha hoose ee heer degmo, tuulo iyo xaafad. Ujeeddadiisa ugu weyn waa xoojinta wadajirka bulshada, kor u qaadista ka-qaybgal loo dhan yahay, iyo dhisidda adkaysiga bulshada, iyadoo la xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa shacabka iyo maamullada deegaanka.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa tilmaamay in mashruucu ku soo beegmay xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo xoojinta adkaysiga bulshada iyo horumarinta adeegyada heer deegaan. Waxa uu xusay in Mashruuca Bulsho uu yahay fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo degmooyinka, laguna kordhinayo ka-qaybgalka bulshada ee go’aan-qaadashada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Baanka Adduunka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubaland, kuwaas oo door muuqda ka qaatay maalgelinta, qorsheynta iyo hirgelinta mashruucan. Waxa uu Madaxweynahu bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, adeegyada bulshada iyo awoodda dowladaha hoose, isaga oo carrabka ku adkeeyey in taageerada bahwadaagta ay muhiim u tahay xaqiijinta horumar waara iyo kobcinta hay’adaha dowladda ee heer deegaan.
DHAMMAAD.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E @PresidentMadobe ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, waxaana kulanka lagu falanqeeyay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin xaaladda amniga, horumarinta adeegyada caafimaadka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E @PresidentMadobe ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow.
Mashruucan oo uu maalgelinayo African Development Bank, laguna maalgelinayo lacag dhan 21 milyan, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta adkeysiga bulshada, yareynta ku tiirsanaanta deeqaha, iyo horumarinta isku-filnaanshaha bulshada si loo gaaro nolol waarta.
Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa dhismaha ku dhawaad 2,000 oo guri, hirgelinta kanaallo waraab ah iyo beero wax-soo-saar leh, kobcinta xirfadaha iyo awood-siinta bulshada danta yar, iyo sidoo kale sare u qaadidda fursadaha dhaqaale iyo tayada nolosha bulshada. Mashruucan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta wax soo saarka beeraha iyo xoojinta adkeysiga bulshada ku nool degmada Doolow.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar usoo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in casharrada kala duwan ee ay qaateen, gaar ahaan la dhaqanka bulshada, loo baahan yahay in laga dareemo deegaannada cadowga ay ka xoreynayaan maalmaha soo socda. Wuxuu xusay in guusha howlgaladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ay u adeegayaan.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E @PresidentMadobe ayaa maanta qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku maray qeybo kamid ah magaalada Kismaayo, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee magaalada.


























































