Midnimo Academy (@Midnimoacademy) header
Midnimo Academy (@Midnimoacademy) profile picture

Midnimo Academy ๐ŸŒŸ | Crypto & Suuqa Online | Waxbarasho bilaash ah, Fursad weyn

Free Course
Joined September 2025
Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)Photo by Midnimo Academy (@Midnimoacademy)
Midnimo Academy retweeted
MIDNIMO ACADEMY Blockchain Lab โ€“ Baro, Tijaabi, Dhis! Waa maxay Midnimo Blockchain Lab? Midnimo Blockchain Lab waa qayb cusub oo waxbarasho oo ay Midnimo Academy ugu talagashay in ardaydu si ficil ah ugu bartaan farsamada Blockchain-ka iyo sida loo dhiso nidaamyada ku shaqeeya. Ujeeddadeennu waa inaan ardayga ka gudbinno barashada aragtida keliya, una gudbinno waxbarasho ku dhisan tijaabo, tababar iyo waxqabad dhab ah. Blockchain Lab wuxuu ardayda siin doonaa fursad ay tallaabo tallaabo ugu fahmaan sida Blockchain-ku u shaqeeyo, sida xogta loogu kaydiyo, sida macaamiladu u dhacaan iyo sida loo sameeyo barnaamijyada loo yaqaan Smart Contracts. Waxa ugu muhiimsan waa in dhammaan casharrada iyo tababarradu ay bilaash u noqon doonaan ardayda Midnimo Academy. Maxaa lagu baran doonaa Blockchain Lab? 1. Fahamka Blockchain-ka Ardaydu waxay baran doonaan waxa uu Blockchain yahay, sababta loo sameeyay iyo waxa uu kaga duwan yahay nidaamyada xogta ee caadiga ah. 2. Dhisidda Blockchainka Ardaygu wuxuu tijaabin doonaa sida loo abuuro blocks, sida la isugu xiro iyo sida xogta loogu ilaaliyo farsamada hashing. 3. Transactions โ€“ Sida macaamiladu u shaqeeyaan Waxaan si ficil ah u sharxi doonnaa sida macaamilada loo diiwaangeliyo, loo xaqiijiyo, looguna daro Blockchain-ka. 4. Mining iyo Validation Ardaydu waxay fahmi doonaan sida shabakadaha Blockchain-ku u xaqiijiyaan xogta, iyo farqiga u dhexeeya hababka Proof of Work iyo Proof of Stake. 5. Smart Contracts โ€“ Heshiisyada casriga ah Ardaydu waxay baran doonaan aasaaska Smart Contracts, sida ay u shaqeeyaan iyo sida loogu isticmaalo adeegyada maaliyadeed iyo barnaamijyada ku dhisan Blockchain-ka. 6. Layliyo iyo imtixaanno Cashar kasta waxaa la qorsheeyay inuu yeesho layliyo iyo su'aalo lagu qiimeeyo fahamka ardayga, si uu u ogaado heerka uu ka gaaray waxbarashada. Maxaa Blockchain Lab ka dhigaya mid gaar ah? Midnimo Blockchain Lab wuxuu xoogga saarayaa waxbarasho qof walba fahmi karo, xitaa haddii uusan hore u aqoon barnaamij-samaynta. Ardaydu waxay heli doonaan: Waxbarasho bilaash ah: Looma baahna lacag lagu galo casharrada iyo tababarrada. Barasho tallaabo tallaabo ah: Casharradu waxay ka bilaabanayaan aasaaska, iyagoo u gudbaya heerar sare. Tababar ficil ah: Ardaygu wuxuu tijaabin doonaa waxa uu bartay, halkii uu akhris keliya ku ekaan lahaa. Barasho meel kasta: Waxaa loo qorsheeyay in lagu isticmaali karo kombiyuutar iyo taleefan. La socodka horumarka: Ardayda diiwaangashan waxaa loo qorsheeyay inay la socon karaan casharrada ay dhammeeyeen. Luuqad fudud: Sharaxaadaha waxaa lagu diyaarin doonaa Af-Soomaali sahlan, iyadoo erayada muhiimka ah ee farsamada lagu baranayo Ingiriisi. Yaa loogu talagalay? Blockchain Lab waxaa loogu talagalay qof kasta oo doonaya inuu fahmo farsamada Blockchain-ka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, ardayda jaamacadaha, dadka xiiseeya cryptocurrency iyo kuwa doonaya inay mustaqbalka bartaan barnaamij-samaynta Blockchain-ka. Looma baahna inaad hore u taqaan coding ama inaad haysato cryptocurrency si aad waxbarashada u bilowdo. Himiladeenna Himilada Midnimo Academy waa inaan dhalinyarada Soomaaliyeed siino aqoon casri ah oo ay ku fahmi karaan, kuna adeegsan karaan tiknoolajiyada dunida wax ka beddelaysa. Waxaan aaminsanahay in qofku uusan ku ekaan fahamka qiimaha Bitcoin ama dhaqdhaqaaqa suuqa crypto, balse uu sidoo kale fahmo farsamada ka dambaysa iyo fursadaha ay abuuri karto. Blockchain Lab waa tallaabo aan ku doonayno inaan ardayda uga caawinno inay noqdaan dad aan tiknoolajiyada isticmaalin oo keliya, balse awood u leh inay fahmaan oo mustaqbalka wax ku dhisaan. Goorma ayuu bilaabanayaa? Blockchain Lab wuxuu hadda ku jiraa marxaladda diyaarinta iyo horumarinta. Marka qaybta koowaad la dhammeeyo, ardaydu waxay bilaabi doonaan casharro iyo tijaabooyin ficil ah oo si tartiib ah u kordhaya. MIDNIMO ACADEMY midnimoacademy.org
3
11
1,132
Midnimo Academy retweeted
Ma ahan wax sahlan, in walaalo 0 ka ah aqoonta suuqa 7 bilood yes 7 billood wax la baro kasoo cudbey multiple assignments, many exams MashaAllah waa ardaydii ugu waqtiga dheeraa from zero to complete market knowledge, hambalyo, ๐ŸŽ‰๐ŸŽ‰
4
3
29
1,074
Midnimo Academy retweeted
Hambalyo inta ku guuleysatey tirada aan ugu talgalney 200 keliya ayay ahayd 5 seconds ayaa la buuxiney inta aan calafkoodu noqon InshaAllah fursada kale soo socda waad helo doontiin iska sabra, walahi hal qof aan naqaano kuma jiro intaas waa calaf iyo nasiib.
4
1
26
769