Berkan (@cryptostocks247) header
Berkan (@cryptostocks247) profile picture

Serial Entrepreneur, Seasoned Cryto,Stocks trader/investor, writer, data analyst, with SS & Environment Degree. cofounder of Free Midnimo Academy

Earth
Joined May 2010
Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)Photo by Berkan (@cryptostocks247)
Nagu soo biir Book club goob degan cilmi iyo wax aqris si free ah boqolaal book finance personal growth, naftaada iyo jeebkaada ku hor mari. t.me/+X8UnIusLOfdmYWZk
10
11
3
108
90,750
Final day great energy lots of ideas, feels like we are in bull market here 🤣
5
643
In Solana Breakpoint 2026 it was a day with full engagement, been ma ahan when they say your network is your networth.
1
10
974
Reality check 😳😳
1
32
1,436
MIDNIMO ACADEMY | BLOCKCHAIN HUB Complete Blockhain course 20 kii cashar ee ugu danbeeyey Waa Live, kuwaas oo ka kooban 10 Intermediate iyo 10 Advanced Blockchain Development lessons, dhammaantoodna ku baxaya Af-Soomaali. Shuruudaha waxbarashada: 1- Casharrada waa in loo qaataa sida ay u kala horreeyaan. 2- Casharka xiga lama furi karo ilaa kii hore la dhammaystiro. 3- Ardaygu waa inuu keenaa ugu yaraan 70% si uu ugu gudbo casharka xiga. 4- Exercises iyo imtixaannada waa qasab waayo systemka ayaa sidaa ku dhisan si ardaygu u guuleysto. 6- La socodka horumarka ardayga: Nidaamka Blockchain Hub wuxuu diiwaangelinayaa casharrada ardaygu dhammaystay, natiijooyinka Exercises-ka iyo imtixaannada, dhibcaha uu helay iyo heerka uu waxbarashada ka marayo. Tani waxay maamulka Midnimo Academy u sahlaysaa inuu qiimeeyo horumarka arday kasta, ogaado meelaha uu taageero uga baahan yahay, isla markaana xaqiijiyo inuu buuxiyey shuruudaha loogu gudbayo heerka xiga. Waxbarashadu waa bilaash.
2
12
1,039
MIDNIMO ACADEMY BLOCKCHAIN HUB Waxaan ardayda la wadaagaynaa qorshaha ballaarinta Blockchain Hub, oo lagu kordhinayo 10 cashar oo Intermediate ah iyo 10 cashar oo Advanced ah. Casharradu waxay diiradda saari doonaan Solidity, Smart Contracts, Web3, DeFi, Blockchain Security iyo dhisidda dApps. Casharada, waxaa loo qaybiyey laba heer, Intermediate iyo Advanced. Intermediate Level – 10 Lessons Solidity Programming Fundamentals. Smart Contract Development and Testing. Connecting Smart Contracts to a dApp. ERC-20 Tokens and Token Creation. NFTs and ERC-721 Standards Web3 Wallet Integration. Blockchain Transactions and Gas Fees. Smart Contract Error Handling Introduction to DeFi Applications. Build a Working Decentralised Application. Advanced Level – 10 Lessons Advanced Solidity and Contract Architecture. Smart Contract Security and Auditing. DeFi Protocol Development. Decentralised Exchanges and Liquidity Pools. Layer 2 Networks and Scaling. Cross-Chain Communication and Bridges. DAOs and Governance Systems. Oracles and Real-World Data Integration. Production Deployment, Monitoring and Upgrades. Midka ugu danbeeya oo ah Build and Deploy a Complete Blockchain Application.🔥 Waxbarashadu waa bilaash, waxaana la socda excercises, imtixaanno iyo real interactive hand-on projects. Midnimo Academy – Aqoon bilaash ah, Bright future. midnimoacademy.org #MidnimoAcademy #Blockchain #Web3
2
813
Midnimo Academy waxay diyaarisay koorso cusub oo bilaash ah, loogu talagalay qof kasta oo doonaya inuu barto sida ganacsi loo bilaabo, loo maamulo, loona horumariyo. From developing a business idea to preparing a Business Launch Plan. Koorsadu waxay ka kooban tahay 10 cashar oo inta badan ku baxaya Af-Soomaali, waxaana lagu baranayaa: Aasaaska ganacsiga iyo hal-abuurka Doorashada iyo tijaabinta fikradda ganacsiga. Market Research iyo fahamka macaamiisha Business Model iyo ilaha dakhliga Startup Costs iyo raasamaalka Pricing, Profit iyo Break-even Branding iyo Digital Marketing Sales iyo adeegga macaamiisha Operations, Bookkeeping iyo maamulka ganacsiga Diyaarinta ilaa Business Launch Plan. Ardaydu waxay qaadan doonaan home works, ka jawaabi doonaan su’aalo, isticmaali doonaan Business inventions, waxayna diyaarin doonaan qorshe ganacsi oo iyaga u gaar ah. Marka aad koorsada dhammayso, waxaad yeelan doontaa faham iyo xirfado kaa caawinaya inaad qiimayso fikrad ganacsi, xisaabiso kharashyada, dejiso qiimaha adeeggaaga, qorshayso suuqgeynta, una diyaariso ganacsigaaga qorshe bilow. 100% BILAASH —ISDIIWAANGELINTU WAA QASAB Koorsada hada way furan yahay midnimoacademy.org/entrepren…
4
16
796
Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan dadka xiisaynaya barashada Blockchain-ka in diiwaangelinta koorsooyinka Blockchain Hub ay si rasmi ah u bilaabatay. Koorsooyinkan waxaad ku baran doontaan tiknoolajiyadda Blockchain, Smart Contracts, dhisidda barnaamijyada dApps, iyo casharro la socda tababarro iyo tijaabooyin aad si toos ah ugu shaqaynaysaan. Casharradu waxay bilaaban doonaan toddobaadka soo socda. Qof kasta oo doonaya inuu ka qaybqaato waxaa laga rabaa inuu isdiiwaangeliyo. Dhammaan koorsooyinku waa bilaash! Isdiiwaangeli hadda: midnimoacademy.org
4
929
MIDNIMO ACADEMY – KOORSOOYIN CUSUB OO BILAASH AH! Waxaan ku faraxsanahay inaan bulshada la wadaagno koorsooyin iyo tababaro cusub oo maanta lagu soo kordhiyay Midnimo Academy. 1. Digital & Life Skills – Xirfadaha Dijitaalka iyo Nolosha Waxa la diyaariyay 15 koorso oo ardayda baraya xirfadaha casriga ah, isticmaalka tiknoolajiyadda, badbaadada internetka iyo aqoonta nolosha maalinlaha ah. Koorso kasta waxay leedahay casharro faahfaahsan, tusaalooyin, questionnaire iyo imtixaan lagu qiimeeyo fahamka ardayga. 2. Scam Prevention Centre – Ka Hortagga Khiyaanada Qaybtan cusub waxay ka kooban tahay 12 barnaamij oo waxbarasho, kuwaas oo bulshada baraya sida loo aqoonsado loogana hortago khiyaanooyinka internetka, maaliyadda iyo lacagaha dijitaalka ah. Waxa kale oo ku jira xaalado tusaale ah oo ardaydu ku tijaabinayaan aqoontooda. 3. Practice Studio – Xarunta Tababarka Waa xarun cusub oo leh 5 tababar oo is-dhexgal ah. Ardaydu waxay ku baranayaan xirfado iyagoo si toos ah u samaynaya layliyo iyo tijaabooyin, si ay aqoonta ay barteen ugu beddelaan xirfad. Maxaa koorsooyinkan cusub ka dhigaya kuwo faa’iido leh? ✓ Casharro iyo sharaxaad faahfaahsan ✓ Tusaalooyin nolosha dhabta ah ✓ Tababaro iyo layliyo is-dhexgal ah ✓ Su’aalo iyo imtixaanno lagu hubinayo fahamka ✓ Waxbarasho qofku ku qaadan karo xawligiisa Dhammaan koorsooyinka iyo tababaradani waa 100% BILAASH! Midnimo Academy – Baro, Ku Tababaro, Horumarna Samee!
1
9
1,076
MIDNIMO ACADEMY Agab Maaliyadeed oo 100% BILAASH ah! Waxaan ku faraxsanahay inaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno agab maaliyadeed oo bilaash ah, kaas oo ka caawinaya qorshaynta, maaraynta iyo horumarinta dhaqaalaha. 1. Personal Budget Planner: Qorshaynta dakhliga iyo kharashaadka bishii. 2. Savings Tracker: La socodka lacagaha aad kaydsato. 3. Debt Repayment Planner: Qorshaynta iyo bixinta deymaha. 4. Household Expenses Calculator: Xisaabinta kharashaadka qoyska. 5. Small Business Budget: Maaraynta dakhliga iyo kharashaadka ganacsiga yar. 6. Financial Goals Planner: Dejinta iyo la socodka yoolalkaaga dhaqaale. 7. Trading Journal: Diiwaangelinta ganacsiyada iyo xisaabinta otomaatigga ah ee faa'iidada iyo khasaaraha (nooca online-ka ah). Dhammaan waa 100% BILAASH! Waxaad si toos ah u isticmaali kartaa ama u soo dejisan kartaa adoo isticmaalaya CSV files oo Excel lagu furi karo. midnimoacademy.com qaybta free resources Midnimo Academy – Baro. Faham. Horumar.
4
1
20
1,654
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno daahfurka Free Online Trading Journal! Midnimo Academy waxay ku faraxsan tahay inay soo bandhigto Online Trading Journal, oo ah qalab casri ah oo 100% bilaash ah, kaas oo kaa caawinaya inaad diiwaangeliso, la socoto, isla markaana falanqeyso ganacsiyadaada (Trades) ee suuqyada Crypto, Forex iyo suuqyada kale. Xisaabinta Otomaatigga ah (Automatic Calculations) Trading Journal wuxuu leeyahay nidaam si otomaatig ah u xisaabiya natiijooyinka ganacsigaaga, waxaana ka mid ah: Profit & Loss (P&L): Faa'iidada ama khasaaraha ganacsi kasta, iyadoo kharashaadka laga jarayo. Win Rate: Boqolkiiba ganacsiyada kuu guulaystay. Net P&L: Wadarta faa'iidada ama khasaaraha ganacsiyadaada. Risk/Reward (R Multiple): Natiijada ganacsiga marka loo eego khatarta aad qaadatay. Average R: Celceliska natiijooyinka ganacsiyadaada marka loo eego khatarta. Total Fees: Wadarta kharashaadka ganacsiyadaada. Uma baahnid inaad adigu xisaabiso! Kaliya geli faahfaahinta ganacsigaaga, Trading Journal ayaana si otomaatig ah kuu xisaabinaya natiijooyinka. Waxaad sidoo kale xogtaada si gaar ah ugu kaydsan kartaa website-ka Midnimo Academy, adigoo samaysanaya akoon bilaash ah, ama ku soo dejisan kartaa CSV si aad nuqul kayd ah u haysato. Trading Journal wuxuu kaa caawinayaa inaad fahamto khaladaadkaaga, hagaajiso istaraatiijiyaddaada, isla markaana horumariso maaraynta khatarta (Risk Management) iyo anshaxa ganacsiga (Trading Discipline). Gal qeybta Knowledge Hub, free resources. Adeeggan waa 100% BILAASH! Bilow maanta, diiwaangeli ganacsiyadaada, lana soco horumarkaaga. Midnimo Academy – Baro. Faham. Horumar. midnimoacademy.org
4
5
27
1,615
MIDNIMO ACADEMY Blockchain Lab – Baro, Tijaabi, Dhis! Waa maxay Midnimo Blockchain Lab? Midnimo Blockchain Lab waa qayb cusub oo waxbarasho oo ay Midnimo Academy ugu talagashay in ardaydu si ficil ah ugu bartaan farsamada Blockchain-ka iyo sida loo dhiso nidaamyada ku shaqeeya. Ujeeddadeennu waa inaan ardayga ka gudbinno barashada aragtida keliya, una gudbinno waxbarasho ku dhisan tijaabo, tababar iyo waxqabad dhab ah. Blockchain Lab wuxuu ardayda siin doonaa fursad ay tallaabo tallaabo ugu fahmaan sida Blockchain-ku u shaqeeyo, sida xogta loogu kaydiyo, sida macaamiladu u dhacaan iyo sida loo sameeyo barnaamijyada loo yaqaan Smart Contracts. Waxa ugu muhiimsan waa in dhammaan casharrada iyo tababarradu ay bilaash u noqon doonaan ardayda Midnimo Academy. Maxaa lagu baran doonaa Blockchain Lab? 1. Fahamka Blockchain-ka Ardaydu waxay baran doonaan waxa uu Blockchain yahay, sababta loo sameeyay iyo waxa uu kaga duwan yahay nidaamyada xogta ee caadiga ah. 2. Dhisidda Blockchainka Ardaygu wuxuu tijaabin doonaa sida loo abuuro blocks, sida la isugu xiro iyo sida xogta loogu ilaaliyo farsamada hashing. 3. Transactions – Sida macaamiladu u shaqeeyaan Waxaan si ficil ah u sharxi doonnaa sida macaamilada loo diiwaangeliyo, loo xaqiijiyo, looguna daro Blockchain-ka. 4. Mining iyo Validation Ardaydu waxay fahmi doonaan sida shabakadaha Blockchain-ku u xaqiijiyaan xogta, iyo farqiga u dhexeeya hababka Proof of Work iyo Proof of Stake. 5. Smart Contracts – Heshiisyada casriga ah Ardaydu waxay baran doonaan aasaaska Smart Contracts, sida ay u shaqeeyaan iyo sida loogu isticmaalo adeegyada maaliyadeed iyo barnaamijyada ku dhisan Blockchain-ka. 6. Layliyo iyo imtixaanno Cashar kasta waxaa la qorsheeyay inuu yeesho layliyo iyo su'aalo lagu qiimeeyo fahamka ardayga, si uu u ogaado heerka uu ka gaaray waxbarashada. Maxaa Blockchain Lab ka dhigaya mid gaar ah? Midnimo Blockchain Lab wuxuu xoogga saarayaa waxbarasho qof walba fahmi karo, xitaa haddii uusan hore u aqoon barnaamij-samaynta. Ardaydu waxay heli doonaan: Waxbarasho bilaash ah: Looma baahna lacag lagu galo casharrada iyo tababarrada. Barasho tallaabo tallaabo ah: Casharradu waxay ka bilaabanayaan aasaaska, iyagoo u gudbaya heerar sare. Tababar ficil ah: Ardaygu wuxuu tijaabin doonaa waxa uu bartay, halkii uu akhris keliya ku ekaan lahaa. Barasho meel kasta: Waxaa loo qorsheeyay in lagu isticmaali karo kombiyuutar iyo taleefan. La socodka horumarka: Ardayda diiwaangashan waxaa loo qorsheeyay inay la socon karaan casharrada ay dhammeeyeen. Luuqad fudud: Sharaxaadaha waxaa lagu diyaarin doonaa Af-Soomaali sahlan, iyadoo erayada muhiimka ah ee farsamada lagu baranayo Ingiriisi. Yaa loogu talagalay? Blockchain Lab waxaa loogu talagalay qof kasta oo doonaya inuu fahmo farsamada Blockchain-ka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, ardayda jaamacadaha, dadka xiiseeya cryptocurrency iyo kuwa doonaya inay mustaqbalka bartaan barnaamij-samaynta Blockchain-ka. Looma baahna inaad hore u taqaan coding ama inaad haysato cryptocurrency si aad waxbarashada u bilowdo. Himiladeenna Himilada Midnimo Academy waa inaan dhalinyarada Soomaaliyeed siino aqoon casri ah oo ay ku fahmi karaan, kuna adeegsan karaan tiknoolajiyada dunida wax ka beddelaysa. Waxaan aaminsanahay in qofku uusan ku ekaan fahamka qiimaha Bitcoin ama dhaqdhaqaaqa suuqa crypto, balse uu sidoo kale fahmo farsamada ka dambaysa iyo fursadaha ay abuuri karto. Blockchain Lab waa tallaabo aan ku doonayno inaan ardayda uga caawinno inay noqdaan dad aan tiknoolajiyada isticmaalin oo keliya, balse awood u leh inay fahmaan oo mustaqbalka wax ku dhisaan. Goorma ayuu bilaabanayaa? Blockchain Lab wuxuu hadda ku jiraa marxaladda diyaarinta iyo horumarinta. Marka qaybta koowaad la dhammeeyo, ardaydu waxay bilaabi doonaan casharro iyo tijaabooyin ficil ah oo si tartiib ah u kordhaya. MIDNIMO ACADEMY midnimoacademy.org
3
11
1,132
🚀🎓 MIDNIMO ACADEMY — WEBSITE-KEENNII WAA LIVE! 🇸🇴 Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno website-ka cusub ee Midnimo Academy, oo loogu talagalay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu xoojiyo aqoon iyo xirfado casri ah oo BILAASH AH! 📚 Aqoonta Maaliyadda 📊 Suuqyada Maaliyadda & Crypto ⛓️ Tiknoolajiyadda Blockchain 💻 Xirfadaha Dijitaalka 📢 OGEYSIIS MUHIIM AH! Ardayda iska diiwaangelisa dufcadda xigta ee Midnimo Academy waxay casharradooda tooska ah (Live Sessions) kaga qaybqaadan doonaan website-keena cusub. 🌐 midnimoacademy.org 🎓 Baro. Faham. Koboc. 💛 Aqoontu waa fursad qof walba u furan! #MidnimoAcademy #WaxbarashoBilaashAh #SomaliYouth
2
15
1,385
Bishaan October oo loo yaqaaney Uptober Maxaa ku dhacay? $ETH ETF’s ilaa iyo Hada bishaan keliya Waxaa ka baxay $955 million taasoo ka dhigaysa bishii ugu xumeyd sanadkan. $BTC last week keliya sidoo kale $320 million outflows😳.
10
1,530
AMD: Korriinka Xawaaraha AI-ga iyo Jidka Kobaca AMD (Advanced Micro Devices) waa shirkad Maraykan ah oo ku takhasustay chips-ka (semiconductors) ee awoodda sare leh, gaar ahaan server CPUs (EPYC) iyo AI accelerators (Instinct GPUs). Shirkaddu waxay ku taalaa Santa Clara, California, waxayna tahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee suuqa AI-ga, iyadoo la tartameysa Nvidia. Natiijooyinka Maaliyadeed ee Q2 2026 Shirkaddu waxay soo bandhigtay natiijooyin aad u xooggan: • Dakhliga guud: $11.536 bilyan — kor u kac 50% sanadkii hore • Data Center revenue: $6.718 bilyan oo ah kor u kac 107% (wuxuu noqday 58% dakhliga guud) • Net income (GAAP): $2.297 bilyan • Gross margin: 54% (GAAP) / 56% (non-GAAP) • Non-GAAP EPS: $1.66 • Cash, cash equivalents iyo short-term investments: ~$13.1 bilyan Korriinka Data Center-ka ayaa ahaa midka ugu weyn, oo uu horseeday baahida sare ee EPYC processors iyo Instinct MI350 GPUs. Jidka Kobaca (Growth Path) AMD waxay leedahay aragti cad oo ku saabsan sanadaha soo socda: • Data Center revenue ayaa la filayaa inuu ka bato laba-laab sanadka 2027. • Server CPU revenue ayaa la filayaa inuu kor u kaco in ka badan 70% sanadka 2027. • Helios (rack-scale AI systems) ayaa bilaabay in la raro Q3 2026, waxaana la filayaa inuu si xooggan u kordho Q4 iyo 2027. • Heshiisyo waaweyn oo gigawatt-scale ah: 👇🏿 • Ilaa 6 GW oo OpenAI • Ilaa 6 GW oo Meta • Ilaa 2 GW oo Anthropic Lisa Su ayaa sidoo kale sheegtay in baahida hadda ay ka badan tahay sahayda, laakiin AMD waxay qorsheynaysaa inay si weyn u kordhiso sahayda 2027. Shirkaddu waxay sidoo kale sii wanaajinaysaa software-ka si ay uga tartanto si fiican inference-ka (kaas oo ah qaybta ugu ballaaran ee suuqa AI-ga mustaqbalka). Gunaanad Not Financial advise, Laakin AMD waa shirkad ku jirta marxalad aad u xooggan oo korriin ah, Marka la eego xawaaraha Data Center-ka, heshiisyada waaweyn ee AI-ga, iyo qorshaha korodhka sahayda, waxay u muuqataa inay leedahay jid korriin dheer oo ka dambeeya 2026. Hada weliba waxaad awoodaa inaad ka ganacsan karto adigoo normal brokers ka crypto isticmaalaya 24/5. Si kastaba ha ahaatee, weli waa tartame ka yar Nvidia, sidaas darteed guusha mustaqbalka waxay ku xiran tahay inay sii wanaajiso sahayda, software-ka, iyo fulinta heshiisyada waaweyn. #AMD #AI #Semiconductors #Tech
5
996
Waa Topic aad u muhiimsan oo Qof walba suuqa ku jira u baahan yahay inuu Si fiican u barto halaga faaideysto walaalkeen @khalitabdiqadir InshaAllah
📊 MIDNIMO ACADEMY 👇🏿 t.me/+xWFX8m6Ga8Y4ODlk presents kulan aqooneed oo aan ku falanqayn doonno xiriirka ka dhexeeya: 🌐 Geopolitics iyo coladaha caalamka 🏦 Go’aanada Federal Reserve-ka 💵 Deynta Mareykanka iyo suuqa bonds-ka 📈 Dollar-ka iyo Global Liquidity effect on ₿
1
6
858
Wareegga Deynta Dawladda Mareykanka iyo Dhibaatada Siyaasadda Fed Dhaqaalaha Mareykanka ayaa muujinaya calaamado digniin ah oo muujinaya marxalad dambe oo dhibaatada deynta dawladda ah. Kharashyada adeegga deynta (debt service costs) ayaa bilaabay inay ciriiriyaan dhaqaalaha wax soo saarka, halka deynta cusub ee la soo saarayo ay ka badan tahay baahida suuqa. Sida uu sharraxay Ray Dalio, marka deynta dawladda ay si joogto ah uga badato baahida, kharashyada adeegga deyntuna ay ka weynaadaan canshuuraha soo gala dawladda, waxaa dhacda in balance sheet-ka dawladda uu fashilmo. Deynta Treasury-ga Mareykanka ee suuqa lagu iibiyo waxay gaartay $32 trillion dhamaadkii September 2026, taasoo 8% kor u kacday marka loo eego sanadkii hore. Treasury-ga ayaa soo saaray $1.5 trillion net debt sagaalka bilood ee ugu horreeya ee sanadka, waxaana la filayaa in wadarta sanadka 2026 ay gaarto $2.1 trillion. Daadkan deynta cusub ayaa suuqa ku soo dhacaya xilli ay iibsadayaasha caadiga ah ee deynta dawladda dib u gurayaan. Bankiyada dhexe ee shisheeye ayaa hadda haysta qiyaastii 32% deynta Mareykanka. China waxay hoos u dhigtay qaddarkeeda waa heerka ugu hooseeya 18 sano, Japan-na si tartiib ah ayay u yareysaa. Taasi waxay ka dhigan tahay markii ugu horeysey in balance sheets-ka gudaha Mareykanka ay haystaan 54% deynta, halka Federal Reserve-ku uu haysto 14% ayagoo iibanaya bills-ka muddada gaaban. Korodh kasta oo 100 basis point ah ee yields-ka ayaa ku kordhinaya qiyaastii $310 billion interest sanadle ah kharashka dawladda, taasoo u dhiganta qiyaastii $2,330 qoys kasta. Federal Reserve-ku wuxuu ku jiraa dhibaatadaan, Marka uu sare u qaado dulsaarka (rate hikes), lacagta uu siiyo kuwa haysta deynta dawladda ayaa ka badan tan uu ka qaado shirkadaha amaahda leh. 😳 Si uu u adkeeyo dhaqaalaha si dhab ah, Fed-ku wuxuu u baahan yahay inuu aad sare u qaado dulsaarka, laakiin taas waxay dedejisaa dhibaatada dib-u-cusboonaysiinta deynta dawladda. Madaxweynaha New York Fed John Williams ayaa arrintan caddeeyay. Inkastoo suuqyada ay qiimeeyaan 80% fursad in Fed-ku uu hakiyo kulanka October, Williams wuxuu sheegay in hal korodh oo dheeraad ah uu weli suurtagal yahay December, laba korodh oo kale na loo sameeyay qorshaha 2027.
1
6
995
Shalay ASML Q3 profit ayaa aad ugu kor maray expectationska (€5B net income) on record €11.7B sales, waxaa Sidoo kale kor u kacay sanadkan sales guide ka to €44–45B. Qalabka ay soo saaraan 2027/28 kuma filna dalabka. 🔥
Waxaan idiin soo gudbin doonaa fursado aan Aniga Baaritaan ku sameeyey ku saabsan waxaa loo yaqaan Growth Narratives ama narrativeska aan is leeyahay kobac weyn ayaa Weli ku harsan oo aan ka faaidi karno, waa Shirkado kala duwan, maanta waxaan taxliilin doonaa ASML. ASML: Waa Tusaalaha Ugu Cad ee Scarcity-ga iyo Growth-ka Marka aan eegno investment opportunities-ka ku jira growth industries, Su’aasha ugu muhiimsan ma aha kaliya “maxaa kori doona?”. Waa: maxaa u baahan inuu jiro si growth-kaas uu u dhaco, maxaase adag in la copy gareeyo? ASML waa tusaalaha ugu nadiifsan. Maxaa ASML Ka Dhigaaya Mid Gaar Ah? Shirkadda Dutch-ka ah waa world’s only supplier ee extreme ultraviolet (EUV) lithography systems. Tignoolajiyadan ayaa loo isticmaalaa soo saarista semiconductors-ka ugu horumarsan adduunka. Haddii demand-ka advanced chips uu sii koro, manufacturers-ka waxay u baahan yihiin lithography capacity oo dheeraad ah. Laakiin dhisidda ASML kale ma aha arrin ah in la geliyo lacag badan competitorka, Technologyada sida supplier relationships-ka iyo knowledge-ga waxay qaataan decades in la horumariyo. Scarcity-gaan ayaa ka muuqda marka aan eegno financials-ka. Financials-kooda aan eegno👇🏿 •2025: ASML waxay soo saartay €32.7 billion revenue iyo €9.6 billion net income. •2026: Waxay kor u qaaday revenue guidance-keeda ilaa €43 billion – €45 billion, iyadoo demand-ku sii xoogaysanayo. Shuruudaha La Eegayo Marka La Maalgashanayo Growth Industries.👇🏿 1True scarcity – Ma jirtaa technology, capability ama asset aan si fudud loo copy gareyn karin? 2Position in the chain – Shirkaddu ma ku jirtaa meel aan growth-ku ka dhicin la’aanteed? 3Pricing power – Ma awooddaa inay qiimaha kor u qaaddo iyadoo aan demand-ku si weyn u dhicin? 4Returns on capital – Ma soo celinaysaa attractive returns for shareholders, mise waxay u baahan tahay capital iyo debt badan? 5Valuation – Imisa qiimo ah oo la bixinayaa si loo helo soo celintaas mustaqbalka? ROI ASML waxay muujinaysaa in bottleneck-ka dhabta ah uu noqon karo mid aad qiima u leh, laakiin kaliya marka shuruudahaas la buuxiyo. Growth-ka kaliya kuma filna. Waxa muhiimka ah waa in la fahmo waxa growth-ku u baahan yahay inuu jiro, iyo haddii shirkaddu si waarta u xakamayso booskaas.
7
1,137
Linde: Shirkadda Gaaska Warshadaha ee Adduunka oo Maamusha Bottleneck-ka Muhiimka ah. Haddii aad eegto warshadaha, caafimaadka, electronics-ka iyo xitaa energy transition-ka, waxaad ogaan doontaa inay dhammaantood u baahan yihiin industrial gases. Linde waa mid ka mid ah laba shirkadood oo kaliya oo adduunka ka taliya suuqan (oo ay la wadaagto Air Liquide). Sababtu ma aha kaliya inay shirkad weyn tahay, balse waa inay leedahay bottleneck dhab ah: (micnaha aan badalkeeda la heli karin) dhismaha dhirta gaaska cusub waxay u baahan tahay capital weyn, technology, iyo xiriirro macaamiil oo dhowr sano qaata. Macaamiisha badankoodna waxay ku xiran yihiin heshiisyo dheer (long-term contracts). Natiijooyinka 2025 • Revenue: $34.0 billion (+3% YoY) • Adjusted operating profit: $10.1 billion (+4%) • Adjusted operating margin: 29.8% • Adjusted EPS: $16.46 (+6%) • Project backlog ayaa gaadhay $10 billion Margins-kan sare iyo returns on capital-ka joogtada ah waxay muujinayaan in Linde ay si fiican u beddesho scarcity-geeda faa’iido dhab ah. Aragtida 2026 Shirkaddu waxay filaysaa adjusted EPS inuu noqdo $17.40 – $17.90 (ama la kor u qaaday ilaa qiyaastii $17.70 – $17.90), taas oo u dhiganta korodhka 6–9%. Electronics-ka iyo mashruucyada cusub ayaa sii wadi doona inay taageeraan growth-ka, iyadoo margins-ka la filayo inay ka soo fiicnaadaan badhtamaha labaad ee sanadka. Maxay u fiican tahay aragtida bottleneck-ka? Growth-ka warshadaha iyo electronics-ka ma dhacaan haddii aan la helin industrial gases. Linde waxay ku jirtaa meeshaas. Ma aha shirkad si fudud loo beddeli karo, waxayna leedahay financials muujinaya inay awood u leedahay inay scarcity-geeda u beddesho returns wanaagsan. Tani ma aha talo maalgashi. Waa keliya tusaale ka mid ah shirkadaha leh bottleneck dhab ah, demand joogto ah, iyo financial record xooggan.
2
10
1,229